Turkiga oo doonaya inuu suuq uga helo qaarada Afrika diyaradaha dagaalka ee Drones

Turkiga oo doonaya inuu suuq uga helo qaarada Afrika diyaradaha dagaalka ee Drones

daajis.com:- Shir madaxeedka Turkiga iyo Afrika oo labo maalmood socday, ayuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ka hadlay wax uu ku tilmaamay qaarada Afrika in lagu hayo caddaalad darro weyn.

Cadaalad maaha, ayuu yiri Erdogan, in Qaarada Afrika oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan, aysan matalin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, halka ay ka dhigan tahay lix meelood meel dadka adduunka.

“Horumarradii sanadihii ugu dambeeyay waxay na tusayaan in oggolaanshaha shanta waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaaraan masiirka adduunka oo dhan ay ahayd khalad,” ayuu u sheegay daraasiin hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ka qeybgalay shir madaxeedka Istanbul ka furmay Jimcihii.

Laakin shir madaxeedka ayaa sidoo kale ah fursad ganacsi oo weyn u lahaaTurkiga oo sii xoojinayay xiriirka dhanka difaaca ee uu la leeyahay wadamada Afrika.

Bishii Ogosto, Turkiga ayaa ballanqaad iskaashi milateri la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo uu dagaal kula jiray fallaagada Tigrayga sannadkii u dambeeyay.

Ankara ayaa hore saldhig ciidan ugu lahayd Soomaaliya, halka Morocco iyo Tunisia la sheegay in bishii Sebtembar ay markii ugu horreysay keeneen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.

Angola ayaa sidoo kale muujisay xiisaha ay u qabto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn intii lagu guda jiray booqashadii ugu horreysay ee Erdogan uu ku tagay dalka ku yaal koonfurta Afrika bishii Oktoobar.

Ruushka ayaa ahaa dalka ugu badan ee suuqa hubka ee Afrika, isaga oo 49% ka ah wax soo saarka qaaradda intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019, sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi baadhista nabadda ee Stockholm.

Laakin xiisaha loo qabo hubka Turkiga ayaa ah mid cirka isku sii shareeraya.
Diyaaradaha Bayraktar TB2 oo ay sameeysay shirkada gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa waxaa maamula Haluk Bayraktar oo kamid ah wiilasha uu sodoga u yahay Erdogan.

Meel kasta oo aan tago oo Afrika ka mid ah, qof kastaa wuxuu waydiiyaa wax ku saabsan UAVs,” Erdogan ayaa ku faanay ka dib booqasho uu ku tagay Angola, Nigeria, iyo Togo bishii Oktoobar, isagoo ku faanay diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn.

Xiriirka Turkiga iyo Itoobiya ayaa sidoo kale si weyn isha loogu hayaa, halkaas oo colaad ay ku dhinteen kumanaan, in ka badan laba milyan oo qofna ay ku barakaceen, boqollaal kunna ay galeen xaalado macaluul la mid ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ilo reer galbeed ah ayaa sheegay in Turkigu uu soo diray tiro aan la shaacin oo diyaarado dagaal ah si ay u taageeraan ololaha Abiy horaantii sanadkan, laakiin Ankara ayaa tan iyo markaas ka jawaabtay cadaadiska caalamiga ah oo ay joojisay iibinta.

“Itoobiya way ka iibsan kartaa diyaaradahan aan cidina wadin” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga bishii Oktoobar, mana xaqiijinin mana beeninin iibka.

Difaaca iyo duulista hawada ee Turkigu u dhoofiyo Itoobiya ayaa kor u kacay ilaa $94.6 milyan (qiyaastii €84.2 milyan) intii u dhaxaysay January iyo November, halka uu ka ahaa ku dhawaad ​​$235,000 (€210,000) isla muddadaas sannadkii hore, sida lagu sheegay tirokoob ay daabacday golaha wax dhoofinta ee Turkiga.

Turkiga ayaa xoojiyay sumcadiisa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sanadkii hore isagoo ka caawiyay Asarbayjan inay dib u qabsato inta badan dhulkii ay ka luntay xoogaga gooni u goosadka ee Armenian ee lagu muransanaa Nagorno-Karabakh ku dhawaad ​​soddon sano ka hor.

Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inuu sameeyay shabakad ka kooban 37 xafiisyo ciidan oo ku yaala Afrika oo dhan si waafaqsan yoolka Erdogan ee la xaqiijiyay ee ah inuu laba jibaaro mugga ganacsiga qaaradda ee sanadlaha ah oo la gaarsiiyo $75 bilyan (€ 66,7 bilyan) sanadaha soo socda.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada