Ciidamada Dowlada Itoobiya oo dib u qabsaday magaalada lalibela

Ciidamada Dowlada Itoobiya oo dib u qabsaday magaalada lalibela

daajis.com:- Milateriga Itoobiya ayaa mar kale gacanta ku dhigey magaalada Lalibela sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Ma cadda goorta ay ciidamada dawladu dib u qabsadeen magaalada, dhawr jeerna gacmaha is-beddelay intii ay socdeen iska horimaadyo ay la galeen ciidamada fallaagada ah ee ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.

Ciidamada Tigrayga ayaa qabsaday bishii Ogosto laakiin ciidamada dowladda ayaa dib u riixay bilowgii bishii December, kaasoo ku qasbay Tigrayga inay ka baxaan boqollaal KM.

Axadii ina dhaaftay ayay ahayd markii dadka deegaanka ay sheegeen in Tigrayga ay dib ula wareegeen magaalada kadib markii ay isaga baxeen militariga iyo xulafadooda.

Colaada mudada sanadka ah ee u dhaxaysa madaxda Tigreega iyo dawlada dhexe ayaa waxaa ku dhintay kumaanan qof oo rayid ah, waxaana laga keenay ciidamo ka kala yimid daafaha Itoobiya waxayna ku qulqulayaan gobolada ay dariska yihiin ee Axmaarada iyo Canfarta kadib markii ciidamada Tigreegu duulaan kusoo qaadeen.


Dagaalada waxay sidoo kale ku qasabeen 400,000 oo qof inay macaluul ku dhuftaan Tigray, iyadoo in ka badan 9.4 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya ay hadda ku tiirsan yihiin cunto gargaar ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada