Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in la dardargeliyo doorashada dalka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in la dardargeliyo doorashada dalka

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ugu horeyn bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wada qabsiga,isagona sidokale Ra’iisul Wasaarahu soo hadal qaaday halka ay marayaan arrimha doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu gaabis wali uu ku jiro habka ay doorashooyinka u socdaan isagona ku baaqay in la dar-dargaliyo doorashooyinka waxa una faray xubnaha Maamul Goboleedyada in soo dadajiyaan doorashada sid dalka uu u helo isbadal,sidoakle waxa uu tilmaamay in hakad ku jiro dhaq- dhaqayadii ganacsiga iyo waliba masharicdii lagu caawin jiray dalka gaabiska ka jira arrimaha doorashoouinka awgeed,waxa uu shegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha wadatashiga Qaran ay fadhi ka yeelan doonaan arrimaha doorashooyinka si shacabka soomaaliyeed iyo daneyaasha loogu cadeeyo xiliga sida rasmiga ah loo soo gabgabeyn doono doorshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhanka kale hadalay Abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka waxa uu sheegay in xaalad adag ay jirto,isagoona Guud ahaan Shacabka ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay Abaartu sameeysay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada