DAAWO: Puntland oo afka furatay “Al-Shabaab baa maalgelisa khamrida la keeno Gaalkacyo”

DAAWO: Puntland oo afka furatay “Al-Shabaab baa maalgelisa khamrida la keeno Gaalkacyo”

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa shir gudoomiyay shirka Amniga Gobalka, kaas oo diirada lagu saaray howlgallada ka dhanka ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

Guddoomiye Sanyare oo kulanka kaddib, shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay kooxaha iibiya khamrida iyo xashiiska, kuwaas oo uu sheegay inay maalgaliso kooxda Al-Shabaab, si ay u khalkhal-geliyaan Amniga magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in weeraro adag ku beegsan doonaan cid walba oo ka ganacsata maandooriyaha, ayna ku dabajiraan kooxo xalay ciidammadu la dagaalameen, ayna firxadkoodii galeen xuduudka Itoobiya.

Shacabka gobalka Mudug ayuu ugu baaqay Guddoomiye Sanyare inay garb siiyaan ciidammada ku gudajira xaqiijinta amnigooda, si looga adkaado, ayna u helaan amni iyo hormar buuxa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada