Fannaanka Grand P oo u hanjabay nin sawir la galay xaaskiisa oo uu ka maseyray

Fannaanka Grand P oo u hanjabay nin sawir la galay xaaskiisa oo uu ka maseyray

daajis.com:- Fanaanka caanka ee reer Guinea Grand P, ayaa sheegay inuusan rabin in nin kale uu u soo dhawaado xaaskiisa Eudoxie Yao, xilli uu digniin u dirayay nin sawir la galay xaaskiisa.

Grand p, oo magaciisa dhabta uu yahay Moussa Sandiana Kaba, ayaa digniin u diray fannaanka reer Kongo ee Roga Roga isaga oo ka codsanaya inuu iska ilaaliyo inuu u dhawaado jacaylkiisa.

In kasta oo uu sheegay inuu ixtiraam u hayo fannaanka, Grand P ayaa sheegay in Roga Roga uu ka tallaabay layn cas markii uu sawirro isaga iyo Eudoxie oo is haysta ay hadal hayn badan ka abuureen dhanka baraha bulshada.

. “Walaalkey Roga Roga waxaan kuu hayaa ixtiraam aad u weyn adiga iyo dhammaan dadka reer Kongo … Laakin jidka aad rabto inaad marto maaha mid adiga kugu habboon. “Ha ku fikirin in aad u dhawaato xaaskayga haddii kale falcelin aadan jeclayn ayaad la kulmi doontaa.

Eudoxie Yao waxay caan ku tahay xayeesiinta dharka iyadooo weliba ka duwan dadka kale o dharka xayeesiiya sababto ah waa qof aad u buuran. Marka ay ku jirto ganacsiyadeeda inta badan wax miyuusik ah kuma larto.

Waxay caanka ka tahay baraha bulshada oo barteeda instagram keliya waxaa ku xiran 1.6 malyan oo qof.

Dhanka kale Grand P waa fannaan caan ah oo u dhashay dalka Guinea, muuqaal ahaan waxa uu u egyahay qof da’yar balse da’ahaan waa nin weyn. Dadka ayaa u jecel waxayna ugu yeeraan fannaankii bilyaneerka ahaa inakstoo aysan cadeyn ina ay lacagta uu haysto.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada