Dibad-bax laba ujeedo leh oo ka dhacaya Muqdisho

Dibad-bax laba ujeedo leh oo ka dhacaya Muqdisho

daajis.com:- Kulan looga soo horjeeday afgambigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho lagu qabtay ayaa looga dhawaaqay dibadbax ballaaran oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Fiqi oo kamid ah siyaasiyiintii ka qeyb-gashay kulankaas ayaa sheegay in uu taageersan yahay dibadbaxaas oo uu sheegay inay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka guracan ee madaxweynihii hore.

Dibadbaxaan ayaa dunida loogu cadeynayaa sida uu shacabka uga soo horjeedo in Farmaajo uu sii joogo Villa Somalia, islamarkaana aysan u rabin in markale uu carqaladeeyo doorashooyinka uu hogaankeeda hayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa in meel walba laga soo baxaa oo aan cadeynayaa in aan aqbaleyn inqilaab iyo awood maroorsi, dhibaatada iyo duruufta na haysata waan ognahay haddii aan iska indho tireyn, markaa waa in la isku soo baxo,” ayuu yiri.

“Waxaa rabnaa in aan soo saarno hal milyan oo qof oo soo baxaan odayaasha, haweenka, ganacsatada iyo dhalinyarada oo ay hogaamiyaan siyaasiyiinta, waxaa rabnaa in wixii hore noo soo maray aysan markale noo soo marin.”


Tan iyo markii lagu dhawaaqay dibadbaxaan waxaa abaabulkiisa uu si weyn uga socdaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu muujinaya sida ay umadda Soomaaliyeed iyo siyaasiyeentooda uga soo horjeedan Farmaajo, ayna u rabaan in uu baneeyo Villa Somalia.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah oo looga soo horjeeda Farmaajo, ayada oo dhawaana uu Ra’iisul Wasaaraha amray inay ciidamada ka amar qaadan karin cid aan isaga aheyn, si looga baaqsado xaalad abuur cusub oo dalka u horseeda halis amni.

Farmaajo ayaa 27-kii bishaan isku dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan oo ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo hogaaminteeda, kaasi oo markii dambe guul-dareystay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada