Midowga Afrika oo farriin culus u diray Farmaajo iyo Rooble

Midowga Afrika oo farriin culus u diray Farmaajo iyo Rooble

daajis.com:- Ururka Midowga Afrika ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda sii cakirmeysa ee Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaga guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa farriin toos ah u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay ka wada-hadlaan xiisadda dhexdooda ah.

Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la xakameeyo xiisadda qaraxday, isla-markaana la soo celiyo wada-shaqeynta labada xafiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la joojiyo hadallada kul-kulul ee sii hurinayo xiisadda, is-lamarkaana laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa marar kala duwan ka hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya, wuxuuna markastaa ku booriyaa madaxda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida dalka.

Bayaankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda Villa Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tana Golaha Shacabka.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Si kastaba, qorshaha ayaa ah in Golaha Wada-tashiga Qaran ay go’aan rasmi ah ka gaaraan arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan ee hareysay doorashooyinka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed