Daawo:- Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi?

Daawo:- Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi?

daajis.com:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada cakiran ee ka taagan gudaha dalka.

Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, waxaana labada mas’uul kulanka ku wehliyey Senator Fartaag oo laga soo doorto Jubaland.

Kulankan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid is xog wareysi ah, wuxuuna ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii looga gudbi lahaa xiisadda hareysay doorashooyinka, si xal loogu helo xaaladda kala guurka ah ee haatan laga jiro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u joogo ka qeyb-galka shirka uu iclaamiyey Rooble, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee dalka

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay xalay kulan hordhac ah la qaateen ra’iisul wasaaraha oo ay kala hadleen arrimaha taagan & furitaanka shirka Golaha Wada-tashiga.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada