Dowlad Carbeed oo maalmaha fasaxa todobaadka u bedeshay Sabti iyo Axad

Dowlad Carbeed oo maalmaha fasaxa todobaadka u bedeshay Sabti iyo Axad

daajis.com:-Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Sabtiga iyo Axada ka dhigtay maalmaha fasaxa todobaadka sida reer galbeedka, iyadoo maalinta Jimcaha loo bedelay maalin shaqo.

wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in laga bilaabo sanadka cusub ee 2022-ka, maalmaha Isniinta ilaa Khamiista ay shaqada billaabanayso 7:30 subaxnimo illaa 3:30 galabnimo, iyadoo Jimcaha la shaqeyn doono 7:30 subaxnimo illaa 12:00 duhurnimo.

“Talaabadan waxay barbar socotaa khudbadaha jimcaha iyo salaada jimcaha ee dalka Imaaraadka carabta laga bilaabo 1:15 duhurnimo. Shaqaalaha dawladu waxay yeelan doonaan dabacsanaan ay ku sameeyaan qabanqaabada inay ka shaqeeyaan guriga jimcaha, iyo sidoo kale inay u habeeyaan saacadaha shaqada si ku salaysan wakhti dabacsan” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay dowlada.

Dad badan ayaa la yaabay in dal muslim ah oo maalinta jimcaha ka dhigo maalin shaqo, halka maalmaha sabtiga iyo Axada loo bedelay maalmaha rasmiga ah ee fasaxa, si la mid ah dalalka reer galbeedka.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada