Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ka shiray xaaladda Somalia iyo qorshaha socda

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ka shiray xaaladda Somalia iyo qorshaha socda

daajis.com:- Golaha Nabadda iyo Amniga ee Uruka Midowga Africa ayaa shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ee ay ciidamada dowladda federaalku kuwa AMISOM ugula wareegayaan amniga waddanka.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee Zoomka, waxaana Soomaaliya uga qeyb-galay Wasiirfa Difaaca Sanator Xasan Xuseen Xaaji oo khudbad ka jeediyey shirka, taas oo uu ugu hadlay mowqifka dowladda ee kala guurka.

Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM iyo sida ay kuwa Soomaaliya ugu diyaar garoobeen la wareegitaanka amniga dalka,

Sidoo kale waxaa kulanka Midowga Afrika lagu soo qaaday sidii ciidamada Soomaaliya ay u hoggaamin lahaayeen howl-gallada ka socda dalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dowladda federaalka ah ay soo dhoweyneyso in toos loo wajaho qorshaha kala guurka ah ee AMISOM iyo bixitaankeeda, isaga oo shaaca ka qaaday inay dadaal geliyeen tababarada iyo tayeynta ciidanka qaranka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay haatan ka go’aan tahay xaqiijinta iyo xasilidda amniga dalka oo dhan, ayna laba jibaari doonto dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay dood ka keentay qaabka uu Ururku u wajahayo howl-galkiisa Soomaaliya, maadaama la gaaray, xilligii lasoo gaba-gabeyn lahaa, walow aan weli go’aan dhab ah la gaarin, waxaana soconaya kulamo looga hadlayo bixitaanka AMISOM.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada