Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo jawaab ka bixiyey go’aankii Isimada Puntland ee xiisadda PSF

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo jawaab ka bixiyey go’aankii Isimada Puntland ee xiisadda PSF

daajis.com:- Maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa jawaab ka bixiyey go’aanadii xalay kasoo baxay Isimada Puntland ee ay sheegeen inuu xalka u yahay xiisadda ka dhalatay ciidamada PSF ee gadoodka sameeyey.

Saciid Deni ayaa si gaar ah uga soo horjeestay qodob ka mid ah go’aanka Isimada Puntland oo ku baaqayey in Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano uu qaato hubka iyo hantida Ciidanka ee uu hadda gacanta ku hayo.

Hoos ka aqriso qoraalka maamulka Puntland. 

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga mahad celinaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland, gaar ahaan Waxgaradka, Isimada, Culimada, Ganacsatada, Nabadoonada iyo Haweenka dadaalka ay ka muujiyeen sidii uu Agaasimihii hore ee Ciidanka Ammaanka Puntland (PSF) Gen Maxamuud Cismaan Diyaano uu si hufan oo nabad ah xilka ugu wareejin lahaa Agaasimaha cusub Sareeye Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo Madaxweynaha Dowladda Puntland u magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF, 24 November 2021. 

Ciidanka PSF (Puntland Security Forces) waxay ka mid yihiin laf dhabarta hay’daha amniga Dowladda Puntland, iyagoo ka qayb qaata sugista amniga guud ee Puntland, gaar ahaan la dagaalanka Ururada Argagixisada ah, Dowladda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciidanka. 

Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti Dowladda Puntland iyo Shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan oo naftood hurayaal ah iyagoo difaacaya amniga iyo dowladnimacia Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Reer Puntland. Sidaa darteed, waa nasiib darro in qayb ka mid ah lsimada Puntland ay Maantay (7 December 2021) baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore. Arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. 


Haddaba, Dowladda Puntland waxay faraysaa Agaasimihii hore ee PSF Mudane Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhamrnaan hantida hay’adda PSF, kung wareejiyo Ciidanka PSF iyo Agaasimaha Cusub. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay, iyadoo dhawraysa Dastuurka iyo sooyaalka dowladnimo ee Puntland, ka go’an illaalinta amniga, xasiloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo sareynta sharciga.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada