Qaar ka mid ah ragga loo haysto dilkii Khaashuqji oo lagu qabtay magaalada Paris

Qaar ka mid ah ragga loo haysto dilkii Khaashuqji oo lagu qabtay magaalada Paris

daajis.com:- Booliska Faransiiska ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Paris ku xiray mid ka mid ah ragga lagu tuhunsan yahay inay weriye Jamaal Khaashuqji ku dhex-dileen qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ee magaalada Istanbul 2018-kii.

Khalid Alotaibi, oo 33 jir ah, ayaa waxaa xiray booliska xuduudaha, ayada oo la adeegsanayo amar xiritaan oo ay soo saareen Turkey, waxyar un kahor inta aanu korin duulimaad ka baxayey garoonka diyaaradaha Charles de Gaulle Airport oo ku socday magaalada Riyadh, sida ay sheegeen ilo-wareedyo garsoor.

Magaca Khalid Alotaibi ayaa kasoo muuqday baaritaan uu sameeyey wargeyska Washington Post oo ku saabsanaa kooxda fulisay dilka, ayada oo la adeegsanayo faah-faahinada safaradiisa iyo xog baasaboor.

Khalid Alotaibi ayaa la filayaa inuu Arbacada maanta ah kasoo hormuuqdo maxkamad ku taalla magaalada Paris.

Maxkamad Turkish ah ayaa 2020-kii billowday inay ayaga oo maqan maxkamadeyso 20 tuhmane oo loo haysto dilka Jamaal Khaashuqji, oo ay ka jiraan laba qof oo kaaliyeyaal u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Xariga Khalid Alotaibi ayaa yimid maalmo un kadib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu difaacay go’aankii uu Sacuudi Carabiya ugu daray safar uu ku maray dalalka Khaliijka, isaga oo sheegay in booqashada aysan ka dhigneyn “inuu hilmaamay” kiiska Jamaal Khaashuqji.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in amarka lagu dilay Khaashuqji uu ka yimid “xubnaha ugu sarreeya” dowladda Sacuudiga, wuxuuna kiiskan xiisad ka dhex abuuray Ankara iyo Riyadh.

Hase yeeshee Erdogan marnaba si toos ah uma eedeyn dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaana bilihii dhowaa jiray astaamo muujinaya in xiriirka labada dal uu soo hagaagayo, ayada oo wasiirka arrimaha dibedda Turkey uu horraantii sanadkan booqday Riyadh.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada