Gabar Soomaali ah oo loo doortay duqa magaalo weyn oo ka tirsan Mareykanka

Gabar Soomaali ah oo loo doortay duqa magaalo weyn oo ka tirsan Mareykanka

daajis.com:- Deeqa Dhalac oo ah gabar Soomaali ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee loo doorta duqa magaalo ka mid ah Mareykanka.

Deeqa oo 31 sano kahor ayada oo 21 jir ka qaxday Muqdisho ayaa shalay galab si rasmi ah loogu dhaariyey xafiiska duqa magaalada afaraad ee ugu weyn gobolka Maine ee South Portland. 

Deeqa oo oo muddo saddex sano ah ka tirsaneyd golaha deegaanka magaalada ayaa waxaa shalay u codeeyey lix ka mid ah xubnaha golaha deegaanka si ay magaalada u hogaamiso 2022. 

Cabdullaahi Axmed oo ah maamul dugsiga sare ee Deering High School ee magaalada Portland, islamarkaana hoggaamiya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Maine ayaa aqriyey ducada xafladda furitaanka dhaarinta Deeqa.

Waxa uu Deeqa ugu hambalyeeyey inay muujisay waxay dhiiranaanta bani’aadamka ku guuleysan karto inkasta oo ay wajaheysay iska necbaansho, ayada oo taageero ka heleysa magaalo soo dhoweysay.

“Waxaad halkan u joogtaa inaad sii waddo shaqadii socotay, aad ayaan kuugu faraxasannahay,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Ururka CAIR oo ah kan ugu weyn ee u dooda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta Mareykanka ayaa ammaanay guusha Deeqa, kuna sheegay “inay astaan u tahay kororka ku lug lahaanshaha Muslimiinta ee Mareykanka ee hay’adaha dowladda.” 

Deeqa Dhalac oo 53 jir ah ayaa u shaqeysa Waaxda Waxbarashada ee gobolka Maine, waxayna sidoo kale u ololeysaa arrimaha xuquuqda aadanaha iyo cadaaladda.

Deeqa Dhalac ayaa Soomaaliya kasoo carartay 1989-kii waxyar kahor inta aanu qarixin dagaalka sokeeye, ayada soo qaadatay duulimaad usoo socday Libya ugana sii gudubtay magaalada Roma, halkaasi oo ay ka codsatay magan-galyo. 

Waxay kadib usii gudubtay dalka UK, kahor inta aanay tegin Toronto 1991-kii. Waxay kadib guursatay ganacsade Soomaali Mareykan ah oo kasoo jeeday magaalada Atlanta, waxayna sidaas ku timid Mareykanka 1992-kii. 

Deeqa iyo seygeeda ayaa leh saddex caruur ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 20 illaa 28. 

Ayada iyo caruurteeda waxay magaalada Lewiston ee gobolka Maine usoo guureen 2004. Waxay magaalada South Portland oo hadda loogu doortay duq magaalo soo degtay 2008. 


Deeqa ayaa shahaadada Master-ka ku haysata siyaasadda horumarinta bulshada, taasi oo ay ka qaadatay Jaamacadda University of New Hampshire 2014-kii. Waxay sidoo kale Master labaad 2017 ka qaadatay Jaamacadda University of New England, ayada oo ku takhasustay adeegga bulshada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada