Kenya :- Toogasho lagu dilay lix qof oo maanta ka dhacday Nairobi

Kenya :- Toogasho lagu dilay lix qof oo maanta ka dhacday Nairobi

daajis.com:- Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa maanta toogasho ku dilay lix qof, oo ay ku jirto xaaskiisa, wuxuuna dhaawacay laba kale, kahor inta aanu isagu is-dilin, sida ay sheegeen booliska. 

Weerarkan, oo ka dhacay xaafadda Kabate ee ay degan yihiin dadka saboolka ah oo ka tirsan Nairobi, ayaa dhaliyey dibad-bax xooggan oo ay dhigeen dadka xaafadda kuwaas oo taayaro ay gubeen ku xayiray waddooyinka.

Booliska ayaa sheegay in sarkaalka oo watay qoray AK-47 ah uu marka hore qoorta ka toogtay xaaskiisa kahor inta aanu si aan kala sooc laheyn u rasaaseyn deriskiisa. 

“Waxaan weynay lix qof oo dhammaantood uu toogtay sarkaal boolis ah kahor inta aanu naftiisa qaadin,” waxaa sidaas yiri Francis Wahome oo ah madaxa booliska deegaanka. 

Labada qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka.

Wahome wuxuu sheegay in weli aysan caddeyn sababta dhiiri-gelisay toogashada, wuxuuna intaas ku daray “Waxaa naloo sheegay in lamaanaha uu ka dhaxeeyey buuq oo ay horey u murmeen.”

Kiiska ay saraakiisha booliska ku dilaan xaasaskooda ayaa si joogto ah uga dhaca dalkan ku yaalla Bariga Afrika, oo ay dilalka ka baxsan cadaaladda caadi ka yihiin 

Booliska, oo aan qaadan mushahar fiican, si wanaagsanna aan loo tababarin, ayaa sumcad xun ku leh dalka Kenya, ayada oo loo arko ururuka ugu musuq-maasuqa badan dalka, sid aay sheegtay hay’adda Transparency International.

Bishii tagtay, sarkaal kale ayaa rasaas ku faray saaxiibadiis, magaalo ku taalla bartamaha Kenya, isaga oo dilay mid ka mid ah kahor inta aanu baxsan.

Bishii March, sarkaal sida militariga u tababarn oo ku sugan galbeedka Kenya ayaa dilay mid ka mid ah madaxdiisa kadib muran ka dhashay beddelaad, kahor inta aanu isagu is-dilin. 

Sarkaal kale oo boolis oo masayrsan ayaa toogasho ku dilay 10 qof kadib weerar uu ku qaaday laba maqaaxi oo ku yaalla bartamaha Kenya bishii November 2010, kahor inta aanu isku dhiibin booliska. 









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada