NISA: Mukhtaar Roobow Waxaa Bil Walba Nooga Baxdo $7000

NISA: Mukhtaar Roobow Waxaa Bil Walba Nooga Baxdo $7000

daajis.com:- Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa wasiirka Amniga u soo gudbisay warbixinta afhayeenkii hore ee ururka al-shabaab Muykhtaar Roobow, kaas oo wasiirka ka dalbaday hay’adda in ay warbixintaasa keento.

Mukhtaar Roobow oo ay dowladda federaalka soo xirtay bishaan oo kale sanadkii 2018 ayaa ku jiray xabsi guri ay amnigiisa ay sugayaan sirdoonka qaranka NISA.

NISA ayaa warbixinta wasiirka ay u gudbisay ku sheegtay in xaaladda caafimaad ee mukhtaar roobow ay aad u wanaagsan tahay, uuna helo dhamaad adeegyada aas aasiga ah.

Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale warbixinta ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay in HSQ ay bil walba lacag gaareyso $7000 uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Mukhtaar Roobow uu dhigto waxbarashada heerka labaad ee Master degree, macalimiintiisan uu la leeyahay xiriir joogta ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada