Qoyska Mukhtaar Roobow oo shaaciyey waxa ka run ah xogta ku jirtay warqadii NISA

Qoyska Mukhtaar Roobow oo shaaciyey waxa ka run ah xogta ku jirtay warqadii NISA

daajis.com:- Ehellada Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku gacan sayray xog ku jirtay warqad ay soo saartay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo ku saabsaneyd xaaladda wadaadka.

Warqaddaas ayaa taliyaha NISA Yaasiin Farey wuxuu ku sheegay in Roobow uu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadana ay booqdaann sidoo kalena uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro, amnigiisana ay gacanta ku hayaan.

Hase yeeshee ,Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in warqadda kasoo baxday Hay’adda NISA ay ku jirtay been abuur weyn.

Ibraahim ayaa sheegay in muddo saddex sanadood ah aysan indhaha saarin walaalkood, cid booqatayna aanay jirin, caafimaadkiisana ay ka walwalsan yihiin.

“January 2019 ayaa aniga iyo xildhibaano naloo ogolaaday inaan soo aragno, markaasna wuxuu ku xirnaa xarunta hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee Habar Khadiijo, wixii waqtigaas ka dambeeyey maalin kasta oo booqo is dhaho waa la iga hor istaagayey,” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa xusay inay ogaadeen inuu Mukhtaar Roobow nool yahay markii uu bishii October ee sanadkaan wareysi siiyey Idaacadda VOA, wuxuuna xusay in waqtigaas ay codkiisa ka dareemeyeen in xaaladiisa caafimaad aysan fiicneyn.

“Roobow isagaa sheegay markii uu VOA la hadlayey inaan loo ogoleen inay xaasaskiisa u yimaadaan, sidoo kalana loo diiday waxbarashada, xaasaskiisa banaanka ayey joogaan, marka aniga ma ogi haddii NISA ay xaasaas kale ku dareen mudadii saddexda sano aheyd ee aan la’nahay,” ayuu sii raacyey hadalkiisa.

Warqadda NISA waxay jawaab u ahayd amar uu wasiirka amniga ee Soomaaliya ku faray in ay xaaladda Mukhtaar Roobow muddo sideed iyo afartan saacadood gudahood ah ay warbixin faahfaahsan kaga soo siiso hay’addu.

Yaasiin Farey ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican, wuxuuna tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan ciidamada Dowladda.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, islamarkaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa,” ayuu Yaasiin Farey ku yiri qoraalka.


Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan, islamarkaana uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa caafimaad.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada