Puntland oo ku dhawaaqday inay diyaar u tahay Xabad-joonin & wada-hadal

Puntland oo ku dhawaaqday inay diyaar u tahay Xabad-joonin & wada-hadal

daajis.com:- Wasiirka  Wasaaradda Amniga Maamulka  Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa  ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal kadib dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo saacado badan qaatay oo Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in Maleeshiyaad qoyleysato ah oo uu hoggaaminayo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ay weerar kusoo qaadeen Ciidamada ammaanka oo howlgal kujira, wuxuuna dusha ka saaray mas’uuliyadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka Boosaaso.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Puntland ay awood u leedahay inay meesha ka saarto dhinaca kasoo horjeeda ayna heystaan hub farabadan oo lagu soo afjari karo, balse ay u turayaan Shacabka Magaalada Boosaaso oo ay kasoo horjeedaan in dushooda lagu dagaalamo, isaga oo ugu hanjabay hadii ay xabad joojinta qaadan waayaan in tallaabo ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn Wasiirka  Wasaaradda Amniga Maamulka  Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan waxaa uu sheegay inay la soo xiriireen Odayaal, Ganacsato iyo Culama’udiin, iyaga oo ka codsaday in xabada la joojiyo, isla markaana iyaga dhankooda mar walba ay diyaar u yihiin xabad joojin iyo wada-hadal.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka  Wasaaradda Amniga Maamulka  Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa kusoo beegmay xilli Puntland aysan wax horumar ah ka sameyn dagaalkii ay la gashay Ciidamada PSF.

Dagaalkii labada Maalmood ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhint3leen in ka badan 10 Ruux tiro ka badana ay ku dhaawacmeen oo u badan dad Shacab ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada