Amiirka Dubai oo Maxkamadi ay amar ku siisay in xaaskiisii hore uu siiyo 700 oo milyan oo dollar

Amiirka Dubai oo Maxkamadi ay amar ku siisay in xaaskiisii hore uu siiyo 700 oo milyan oo dollar

daajis.com:- Maxkamad sare oo ku taal London ayaa hoggaamiyaha Dubai ku amartay in lacag ka badan 700 oo milyan oo dollar uu siiyo xasiiskiisii hore, Amiirad Haya Binti Hussein oo dalka urudun u dhalatay.

Magdhowga furriinka la xiriira ee lagu xukumay Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum ayaa ah kii ugu badnaa oo maxkamad Ingiriis ahi ay waligeed xukunto.

Amiirad Haya Binti Hussein ayaa 2019-kii ka carartay Dubai oo gashay Ingiriiska, ayadoo sheegtay in nafteeda ay kala soo carartay Sheikh Mohammed oo ay nolosheeda u baqday.

Sheikh Mohammed ayaa sida maxkamaddu amartay bixin doona 300 oo milyan oo dollar oo horumaris ah, wuxuuna intaa ka dib si joogta lacag u siin doonaa 2-da carruurta ah ee ay isu dhaleen.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada