Siciid Deni oo Diyaarad deg deg ugeysey galabta Garowe & Abaabul uu bilaabay

Siciid Deni oo Diyaarad deg deg ugeysey galabta Garowe & Abaabul uu bilaabay

daajis.com:- Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta gaaray Magaalada Garowe kadib safar uu Baydhabo ugu maqnaa.

Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa si deg deg ah markii diyaarada uga degtay ay xarunta madaxtooyada ugalbiyeen ciidanka gaarka ah Madaxweyne Deni.

Hadda waxaa shir albaabada uxiran leh saraakiisha Amniga ugu sareysa iyo madaxweynaha iyadoo Wasiirada aadka ugu dhaw Deni ay goob joog ka yihiin.

Waxa laga arinsanayaa xaalada kasoo korortay Boosaaso oo maanta dagaal uu ka dhacay ciidanka PSF ayaana guulo sheegtay inay gaareen.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Deni uu amar ku bixiyey in lasoo qab qabto saraakiisha iyo ciidanka udagaalamaya PSF kuwa loo arko inay dawladnimada dhib ku yihiin.

Dagaalka boosaaso oo la isku gabal dhacsaday ayaana la ogeyn xaalada halka ay ku dambeyn doonto iyadoo khasaaraha ugu badan ay Shacabka soo gaareen.









_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada