Safaaradda Mareykanka oo shaacisay tallaabo ka dhan ah ciidanka Danab oo ay waddo

Safaaradda Mareykanka oo shaacisay tallaabo ka dhan ah ciidanka Danab oo ay waddo

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay inay dib u eegis dhan walba ah ku waddo taageerada ay siiyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee ka howlgala qaar ka tirsan gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.

“Dib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-Shabaab,” ayey tiri Colleen Crenwelge.

Waxay sii raacisay  “waxaa xaqiijin doonnaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo islamarkaana la jaanqaadi karta siyaasadda Mareykanka.”

Hadalka kasoo yeeray safiirka ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan ciidamada Danab ay ka qeybgaleyn dagaalkii ka dhacay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee u dhaxeeyey ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dagaalkaas ayaa waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada Danab ee qeybta Galmudug Cabbdilatiif Fayfle iyo ciidamo ka tirsan kuwa Danab, waxayna xilligaas dowladda Mareykanka sheegtay inay ka fiirsaneyso taageerada ay siiso ciidamadaas maadaama ay ka qeybgaleen dagaal aan loo ogoleyn.


Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii October ee sannadkii 2013-kii bilowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.

Sida saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada