Guddiga Xalinta khilaafaadka oo war cusub kasoo saaray dacwadda kursigii uu ku guuleystay Yaasin Farey

Guddiga Xalinta khilaafaadka oo war cusub kasoo saaray dacwadda kursigii uu ku guuleystay Yaasin Farey

daajis.com:- Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in muddo kordhin lagu sameeyay baarista ay ku wadeen dacwada kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu soo baxay sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, isla-markaana lagu socod-siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo dacwoodayaasha kursigaas ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha dacwada baarayay ay u baadheeli-tiran oo lagu go’aan qaadan karo.

“Guddigu wuxuu xaq u leeyahay in uu baaritaan ku sameeyo Dacwad kasta, dhageysto dhinacyada ay dacwadu taabanayso iyo inuu hubiyo cadaymaha la aruuriyay si loo helo xog dhameystiran oo lagu go’aan qaadan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sheegay muddo kordhinta waqtiga ay keentay maadamada ay Dacwada kursiga tirsigiisu yahay HOP#067 ay leedahay laba dhinac oo u baahan in si kala duwan loogu sameeyo baaritaan, dhagaysi iyo hubinta cadeymaha muhiimka ah si loo helo xog dhameystiran.

Soo dhameystirka dacwada laga keenaya kursiga uu Guddiga doorashada ee Galmudug shaaciyey inuu ku guuleystay Yaasiin Farey ayaa waxay soo dhameystirmi doontaa muddo aan ka badneyn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021-ka.

“Guddiga wuxuu ku wargelinayaa in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo guddiga maamulka doorashooyinka ee Galmudug inay tixgaliyaan duruufaha adag ee xog aruurinta, ayna si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee ku foogan dacwadda kursi lamber HOP#067 si loo helo xog dhamaystiran oo dhalin karta go’aan cadaalad ah, hufan, kuna qotanta dhaqanka Soomaaliyeed iyo Halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada