Wararkii ugu dambeeyey shirka Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin cusub oo ku biiray

Wararkii ugu dambeeyey shirka Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin cusub oo ku biiray

daajis.com:- Shirarka xubnaha Golaha Midoga Musharaxiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta galay wajigiisi labaad, kaasi oo looga soo horjeedo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Musharaxiinta oo dhaliilsan hanaanka doorashada ayaa wajiga labaad shirkooda waxaa maanta ku biiray sida ay wararka sheegayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Shirarka Midowga Musharaxiinta ayaa diirada lagu saaraya sidii looga tashan lahaa qaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, kaasi oo looga hortagayo waxa ay ugu yeereen “doorasho boobka socda”.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale la filayaa inay bilaabi doonan kacdoon lamid ah midkii Badbaado Qaran, ee looga takhalusay muddo kororsigii sharci darada ahaa ee loo sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.


Si kastaba, arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharrixiinta si adag u qaadaceen doorashooyinka ka socda dalka, kuwaasi oo sida ay sheegen u dhacay hanaan baalmarsan midkii lagu heshiiyay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed