Trump oo sabab yaab leh ugu baaqay Ilhaan Cumar inay raali-gelin siiso Soomaaliya

Trump oo sabab yaab leh ugu baaqay Ilhaan Cumar inay raali-gelin siiso Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku dalbaday in Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ay raali-gelin ka bixiso “inay ka tagtay dalkeedii hore ee Soomaaliya.”

“Ilhan Omar waa inay raali-gelin ka bixiso inay guursatay walaalkeed, gashay dambi baaxad weyn oo ah khiyaano doorasho iyo mid socdaal, ay dhimasho u rajeysay Israel, ayna dayacday dalkeedii hore, kaasi oo xitaa aan dowlad laheyn – oo ah waxa ay jeclaan laheyd inay aragto in Mareykanka uu noqdo,” ayuu Trump ku yiri bayaanka uu soo saaray. 

Ilhan Omar, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa ku dhalatay Soomaaliya 1982-kii, waxayna magan-galyo ku timid Mareykanka 1995-kii ayada oo caruur ah.

Trump ayaa sidoo kale qoraal uu twitter-ka soo dhigay July 2019 wuxuu ugu sheegay in Ilhan iyo saddex xubnood oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga “inay ku laabteen meelaha ay dambiyada la dageen ee ay ka yimaadeen, ayna xaliyaan.”

Ilhan ayaa marar badan lagu eedeeyey in Ahmed Nur Said Elmi oo ah seygeedii hore, uu dhab ahaan yahay walaalkeeda, balse ay Mareykanka ku keentay inuu yahay ninkeeda. 

Ilhan ayaa hadalladaas ugu yeertay “aflagaado iyo doqonnimo” waxayna 2016-kii baahisay bayaan dheer oo ay uga hadleyso sooyaalka guurkeeda. 

Weerarka cusub ee Trump uu ku qaaday Ilhan ayaa yimid ayada oo sidoo kale dhowaan ay Lauren Boebert oo ah gabar Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ay sheegtay in Ilhan ay ka tirsan tahay “kooxda jihaadka.”

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 


Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada