Xog: Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo mucaaradka oo raba inay isku soo laabtan

Xog: Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo mucaaradka oo raba inay isku soo laabtan

daajis.com:- Xubnaha Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa lasoo tabinayaa inay dib wada-hadal ula fureen hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Labadaan hoggaamiye goboleed iyo midowga musharixiinta mucaaradka ayaan isku fiicneyn bilihii lasoo dhaafay, waxaana kala tagooda sabab looga dhigay ballan ka bax la sheegay inuu Deni sameeyey iyo hadalo labada dhinac laga xigtay oo aan u fiicneyn rag hal Aag kuwada jiri jiray.

Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa kulamo uga socday Caasimadda Muqdisho waxay ku qaadaceen doorashada dalka. Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya inay la xiriireen saraakiishii Badbaado Qaran ee hoggaamisay dagaalkii hore, iyagoo kala xaajoonaya xaaladaan soo cusboonaatay.

Inay xamar gasho xiisad cusub waxay hakin kartaa doorashada guud, kamana taagna dood badan. Mucaaradka qaar waxaa u muuqata in aysan kaligood hakin karin doorashada, haddii aysan helin Deni iyo Axmed Madoobe.

Labadaan nin ayaan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka, mana rabaan inay bilaabaan, iyadoo aan xal loo helin xaaladaha taagan sida tirada Ergada iyo deegaan doorashada.

Waxay kaloo qiimeynayaan sida loo wajaho ama looga hortago maamul goboleedyada illaa hadda kuraasta lagu boobay.

Isku soo laabashada Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo mucaaradka uma fiicna Farmaajo, sida ay labadaas nin iyo mucaaradka isku aamini karaan mar kale ayaan caddeyn.

Wad-hadaladaan cusub waxaa hormuud u ah siyaasiyiin ka tirsan midowga musharixiinta mucaaradka oo ay waayadii dambe isku furnaayeen hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Saciid Deni dagaalkii hore ee Muqdisho ka dhacay waxaa la sheegay inuu gacan maaliyadeed ku lahaa, laakiin inuu mar kale diyaar u yahay inuu wax ku huro golof cusub ayaan faham badan laga heysan.

Maxamuud Shido oo madax ka ah kooxda loo jaqaan Aaran Jaan ee la sheego inay Saciid Deni la maamusho Puntland ayaa dhawaan safar ku yimid magaalada Muqdisho, waxaa la sheegay inuu Airport Hotel kula kulmay xubno ka tirsan midowga musharixiinta.

Waxybaaha ay sida weyn uga hada-hadleen waxaa kamid aheyd sida Deni iyo mucaaradka ay mar kale isku saf isku noqon karaan, iyadoo mucaaradka weli 100% aheyn, lagana gudbo mad madowga ka dhex jira Deni iyo mucaaradka.


Dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay aad uga walaacsan yihiin guluf cusub haddii la diido in loo joojiyo cabashada mucaaradka.

Kooxaha doorashada gacanta ku haya qaarkood waxay u muuqdaan niman aan akhrin karin waxa ka dhallan kara doorasho la boobo.

Soomaaliya iyo dalalka ku hareereysan waxay intaba dhadhamiyeen, qaarna ay hadda gacanta ku hayaan doorasho la boobay ama loo maareeyey si aan heshiis lagu aheyn caqabadihii ka dhashay.

Kooxda madaxweyne Farmaajo iyaga si wacan ayey ugu raaxeysanayaan shaqada socoto, maadaama dadka la isku heysto illaa hadda ee kuraasta loo boobay yihiin dad ay iyaga wateen, waxaa maalmaha soo socoda la eegayaa waxa iska badala iyo natiijada sida ay hadda wax ku socdaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada