Xildhibaano cusub oo lagu doortay Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

Xildhibaano cusub oo lagu doortay Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

daajis.com:- Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo galaya dhinaca gobollada waqooyi (Somaliland).

Guuleed Biixi Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga HOP#255 ee doorashadiisa la qabtay, wuxuuna helay 58 cod, sida uu shaaciyey guddigu.

Sidoo kale Axmed Maxamuud Muxumed oo horay kursigan ugu fadhiyey ayaa helay 22 cod, halka musharaxa saddexaad ee tartamay Cabdullahi Biixi Xuseen uu isna helay 21 cod.

Kursiga HOP#262 ayaa waxaa sidoo kale dib loogu doortay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo heshay 93 cod, kadib markii ay tanaasushay Caasho Aadan Yuusuf oo la tartami laheyd.

Sidoo kale kursiga afaraad ee la qabtay doorashada waxaa ku guuleystay Cabdullahi Cismaan Ducaale, ka gadaal markii ay tanaasushay Muna Ibraahim Cali oo la tartami laheyd.

Natiijada soo baxday doorashada maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye ayaa aheyd mid la filayey, loona saadaalinayey xubnaha la doortay.

Qabashada doorashadan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota dalka.




Si kastaba, shalay ayey aheyd markii shaqada laga eryey illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen arrimaha siyaasadda ee ka jira gudaha dalka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada