Qaramada Midoobay oo amartay in la baaro Xadgudubyada dagaalka ee Itoobiya

Qaramada Midoobay oo amartay in la baaro Xadgudubyada dagaalka ee Itoobiya

daajis.com:- Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa amar ku bixiyay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo xad-gudubyadii laga geystay Itoobiya intii ay socdeen colaadaha.

Nada al-Nashif, ku xigeenka madaxa xuquuqul insaanka, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay heleyso warbixinno lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadka 13-ka bilood ah ee arxan darada ah ay gaysteen xadgudubyo daran oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. iyada oo ay jirto xiisad bini’aadantinimo oo sii xumaanaysa.

“Khatarta Itoobiya ka jirta ay sii kordhiso nacaybka, rabshadaha iyo takoorka, taas oo horseedi karta rabshado guud oo saamayn weyn leh, maaha oo keliya malaayiin qof oo ku nool Itoobiya, laakiin sidoo kale gobolka oo dhan. ”ayay tiri Al Nashif.

Midowga Yurub ayaa ku baaqay fadhi gaar ah oo golaha uu ku yeesho magaalada Geneva ka dib markii kooxaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in xadgudubyada la galay in ka badan hal sano oo colaad ah ay noqon karto dambiyo dagaal.

Hase yeeshee dowlada Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay warkan ka soo yeeray Qaramada Midoobay iyadoo ku tilmaantay mid siyaasadeysan.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada