Ilaalada gudoomiyaha gobolka Sh.dhexe oo qarax lagula eegtay magaalada Jowhar

Ilaalada gudoomiyaha gobolka Sh.dhexe oo qarax lagula eegtay magaalada Jowhar

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle, iyadoo qaraxa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa noociisa Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ilaalada gudoomiyaha gobolka Sh.dhexe Axmed Meyre Makaraan “ Axmed Faal”, lama soo sheegin wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa uu dhacay ilbiriqsiyo kadib markii uu gaariga goobta ka gudbay, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xooggan oo ay rideen ciidamadii weerarkan ka badbaaday.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaan eheyn midka uu raaco gudoomiyaha gobolka Sh.dhexe, balse waa midka qaada askarta la socota Cabdi bilaha ilaalada ka hayay gaariga gudoomiye Axmed Faal, iyadoo aan la soo sheegin cid loo soo qabtay weerarkan.

Magaalada Jowhar oo isu diyaarineysa qabashada doorashada kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadooda ay tahay Sh.dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhay qaraxyada miinooyinka, iyadoo Sabtidii hore qarax ka dhacay isla Jowhar lagu dhaawacay laba xildhibaan, halka nin nabadoon ahaana lagu dilay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada