Al-Shabaab oo shaacisay cidda ay la beegsatay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab oo shaacisay cidda ay la beegsatay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

daajis.com:- Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii xooganaa ee maanta barqanimadii ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Saraakiil cadaan ah oo la socotay kolonyo marayay wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay cadaanku la socdeen, halka kuwa kalena ay ku waxyeeloobeen, sida lagu sheegtay qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay warbaahintooda.

Si kastaba, QM ayaa beenisay in shaqaalahooda ama qandaraasleyaashooda la beegsaday.

War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri “Si ka duwan warbixinada horudhaca ah qaarkood, ma jirin shaqaale ama qandaraasleyaal QM ah oo la socday kolonyadii lagu beegsaday qaraxii is-miidaaminta ee horaantii maanta ka dhacay Muqdisho.”

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helayo qaraxaan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah, inkasta oo illa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha qaraxa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda.


Qaraxaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynihii hore yo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,taas oo saameyn ku yeelatay ciidanka iyo saraakiishooda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada