DAAWO: Siciid Deni oo afka furtay “Dowladeyda waxaa lagu colaadin inay deganaansho abuurto”

DAAWO: Siciid Deni oo afka furtay “Dowladeyda waxaa lagu colaadin inay deganaansho abuurto”

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay dib u dhigtay hal ku dhigeedii hore ee ahaa ‘Tayeyn iyo Tiigsi’, loona weeciyay hormar iyo midnimo.

Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha dhalinyarada Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garoowe, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in maanta Puntland ay taagan tahay meel adag oo horey looga soo gudbay.

Madaxweynaha ayaa xusay in xukuumaddiisa lagu colaadiyay qorshayaasha hormarineed ee ay ka wado deegaanka, iyo in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada.


Waxaa uu sheegay in dad badan oo la kulmay marar kala duwan ay kula taliyeen inaan loo baahneyn hormarada ay ka shaqeynayso dowladiisa, taas bedelkeedna ay ugu baaqayeen in la kula furfuro beelaha, isagoo intaas ku daray inuu u qabay in Puntland ay taas mar hore ka gudubtay.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay dhalinyarada Puntland inay muujiyaan midnimo, iyo inay ilaashadaan dowladooda, maadama hadii la waayo nabadda iyo dowladnimada ay dhici doonto in la qaxo, iyo in xaalado adag la galo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada