Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

daajis.com:- Khasaara dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay weerar ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya duleedka galbeed ee magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in weerar jidgal ah loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban maamulka 'Hirshabelle'.

ilo wareedyo aya sheegaya in guddoomiye Cali Jeyte Cismaan uu si dirqi ah uga badbaaday weerar jidgal ah oo ay u dhigeen ciidamo katirsan Al Shabaab.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in iska hor'imaadka lagu dilay askari ilaala u ahaa halka uu dhaawac soo gaaray illaa 4 askari.

Guddoomiyaha badbaaday iyo ciidamo uu la socday ayaa dib ugu laabtay magaalada Beled Weyne waxaana usuura geliwaysay in ay gaaraan deegaanka Far-Libaax.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada