Qoor Qoor oo ay heysato afar caqabad oo waaweyn

Qoor Qoor oo ay heysato afar caqabad oo waaweyn

daajis.com:-Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkiladood oo waaweyn oo kala ah:

Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maamulka wax cadaadis ah.

Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.

Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, loogana fadhiyey in uu si cadaalad ah ugu maamulo amaanada uu u hayo, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.

Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho kaasoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.

Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laabta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciidamada Gorgor.


Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkayey sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaasha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doorashooyinka ka dhacaya Dhusmareeb iyo Gaalkacyo.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada