Qorshe dalka looga ceyrinayo Francisco Madeira oo socda kadib markii la ogaaday in

Qorshe dalka looga ceyrinayo Francisco Madeira oo socda kadib markii la ogaaday in

daajis.com:- Xogta ayaa sheegaysa in Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wado qorshe dalka looga ceyrinayo Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira oo ah Madaxa Ciidamada Nabad ilaalita ee AMISOM.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in  Francisco Madeira uu xiriir aad u dhaw la leeyahay madaxweynaha mudo xileedkiisi dhamaaday ee Farmaajo, uuna kahor yimid dalabyo ay xukuumadda Soomaaliya AMISON u dirtay.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa AMISOM ,ka dalbaday ciidamo cusub oo loogu tala galay in lagu xoojiyo amaanka Madaxtooyadda kadib isku daygii afgembi uu Farmaajo kula wareegi rabay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble.

Francisco Madeira, ayaa la sheegay in uu dhagaha ka fureestay dalabka Ra’usul Wasaare Rooble isaga oo raali gelinaya saaxiibkiisa siyaasadda Farmaajo , waxa ayna taasi ka careesiisay Ra’isul Wasaare Rooble oo hada qorsheenaya in sargaalkan dalka laga eryo.


Shirkii golaha Wadatashiga qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in ciidamo xoojin ah la geeyo xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Rooble.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada