Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Venezuela oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Venezuela oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dal

daajis.com:-  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Mudane Felix Plasencia, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Venezuela la wadaagay fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go’an in ay Labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada