DEG-DEG:- Ciidanka NISA oo lagu amray inay kasoo baxaan garoonka diyaaradaha Muqdisho

DEG-DEG:- Ciidanka NISA oo lagu amray inay kasoo baxaan garoonka diyaaradaha Muqdisho

daajis.com:- Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa ku amray Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka in laga soo saaro Ciidanka NISA garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si buuxdana Amniga garoonka ay ula wareegaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waraaq uu u diray Wasiir Cabdullaahi Agaasime Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA lagu eedeeyay gacan qaad iyo handadaad joogto ah oo ay ka geysanayaan gudaha garoonka diyaaradaha, ayna cabasho kasoo gudbiyeen Hay’adaha DFS ee ka howlgalla garoonka.

Wasiirka Amniga XFS ayaa faray Agaasimaha KMG ah ee NISA in mas’uuliyadda Amni ee ay hayaan ciidanka NISA ee ku sugan garoonka Aadan Cadde ay ku wareejiyaan Booliska, dibna loo soo celiyo ciidammada iyo Talisyada NISA ee garoonka, marka laga reebo xarumaha rasmiga ah ee ay gudaha garoonka ku leeyihiin ciidammada Waran yo Gaashaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada