Kim Jong-un oo wacad ku maray 2022-ka inuu baahiyaha shacabka wax ka qabanayo

Kim Jong-un oo wacad ku maray 2022-ka inuu baahiyaha shacabka wax ka qabanayo

daajis.com:- Hooggamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay dalkiisu inuu sanadkan cusub uu ahmiyadda koobaad uu siinayo wax ka qabashada dhaqaalaha sii liicayo iyo cunna yarida dalkaasi ka jirto.

Kim wuxuu hadalkaasi ka sheegay shir xisbiga talada dalkaasi hayo uu ugu talo galay munaasabad lagu xusayey sanad guurada 10-aad ee uu xilka qabtay.

Hase yeeshee hoggaamiyuhu khudbaddiisa kuma soo hadal qaadin dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu xifaaltanka kala dhaxeeyo.

Wuxuuna hoggaamiyuhu ka garaabay xaaladda cakirneyd ee dalkiisa uu soo maray 2021-ka oo ay sababeen arrima badan oo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin saameynta Coronavirus.


Isaga oo ballan qaday inuu si degderg ah wax uu uga qabanayo dhibaatooyinka cunnada, huga iyo hoyga ee haysata shacabka dalka Kuuriyada Waqooyi.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada