DEG DEG: Dibed-bax lagu waday inuu berri ka dhaco Muqdisho oo dib loo dhigay

DEG DEG: Dibed-bax lagu waday inuu berri ka dhaco Muqdisho oo dib loo dhigay

daajis.com:- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay banaanbaxii beri ka dhici lahaa magaalada Muqdisho kaasoo ay abaabulayeen xubno ka tirsan mucaaradka dowlada Somalia.

Dibed baxan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu taageero qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka, laguna cambaareeyo talaabadii isku dayga afgembi lagu sheegay ee dhowaan lagu sameeyey RW Rooble.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoggaaminayay qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Muqdisho iyo Guddigii qaban qaabada bannaan baxa berri dhici lahaa ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbixii loo balansanaa.

Ugaaska ayaa ku guuleystay dadaalo uu saacadihii la soo dhaafay waday, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaanbaxa oo laga cabsi qabay inuu khalalaase ka dhaliyo Muqdisho, lamana shaacin xiliga kale ee la qaban doono.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada