DEG DEG: Guddiga doorashooyinka federaalka oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Galmudug

DEG DEG: Guddiga doorashooyinka federaalka oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Galmudug

daajis.com:- Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka soo hor jeestay xil ka qaadistii maanta la sheegay in lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.

Afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warqadii maanta lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada Galmudug aysan sax aheyn.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in xubinhii soo saaray warqadaas ee ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda uu guddiga heer federaal anshax marin ku sameyn doono.

“Guddiga doorashada Galmudug wax shir ah oo ay guddoomiyahoodii ku rideen ama mid kale ku doorteen ma uusan yeelan, sidaas dartee cidii been abuurka sameysay tallaabo ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiina.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug ee maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda Maxamed Daahir Guuleed ayaa warqadooda ku shaaciyey inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud oo horay u ahaa xogyaha guddiga.

Hoos ka daawo afhayeenka







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada