Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya James Swan,waxayna kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom.

Ugu dambeyntiina wuxuu Wasiirka u caddeeyey ergeyga Qaramada Midoobay inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay la garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada