Faahfaahin Shil khasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay

Faahfaahin Shil khasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay

daajis.com:- Shil gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska hotel Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska hotelka towfiiq ee degmada Yaaqshiid kadib markii ay isku dhaceen gaari BL ah iyo gaari nooca dhagaxlaha ay Sooomaalida u taqaano.

Dad goobjoogayaal ahaa xiliga uu shilka dhacaayay ayaa idaacadda Risaala u sheegay in shilka uu ku geeriyooday hal qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale .

Shilka ayaa yimid kadib markii gaariga dhagaxlaha ah oo ah gaari ay leedahay mid ka mid shirkadaha ka shaqeeya arimaha dhismooyinka kana yimid dhanka iyo Baar ubax uu ku dhacay gaariga BL-ka ah oo usocday dhanka isgoyska Afarta jardiino.

Qofka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood haystay gaariga BL-ka ah waxaana loo qaaday isbitaalada magaalada muqdisho.


Goobta ayaa durbadiiba waxa gaaray Ciidamada ilaalada wadooyinka ee looyaqaan Taraafikada si ay u kala qaadaan gaadiidka isku dhacay oo wadada Mashquul  ka dhigay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada