Gabar saakay Maherkeeda loo balansanaa oo geeriyootay iyo Farxadii oo murugo isku bedeshay

Gabar saakay Maherkeeda loo balansanaa oo geeriyootay iyo Farxadii oo murugo isku bedeshay

daajis.com:- Waxaa saakay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ka dhacday dhacdo murugo badan xumbaarsan, kadib markii ay geeriyootay gabar saakay loo balansanaa in maherkeeda uu dhaco.

Faadumo Ismaaciil iyo Khaalid Maxamed ayaa saakay lagu waday in maherkoodu ka dhaco hotel kuyaala magaalada Hargeysa, hasa ahaatee maherka waxaa kasoo hormaray geerida Faadumo oo naf baxday saacado kahor inta uusan dhicin maherkeeda.

Xubno katirsan ehelada gabadhan geeriyootay ayaa laga soo xigtay in uu kusoo booday xanuunka dhiigkarka oo sababay geerideeda, waxaana farxadii iyo reynreyntii loogu diyaar garoobayay maherka Faadumo isku bedeshay murugo xanuun badan.


“Ma jirin xanuun weyni, Kuma ay dhiman shil, Waa ay nabad iyo caafimaadqabtay, Shalay ayaa lagu booday, waxana la filayay inay ka soo rayso, saaka waxa guurkii beddelay geeri,” ayuu yiri mid kamid ah asxaabta gabadhan geeriyootay.

Geerida gabadhan ayaana si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, waxaana dhacdadan aad uga naxay dadkii Soomaaliyeed ee maqlay iyagoona ilaah uga baryay in uu u naxariisto dambigeedana dhaafo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada