Howlgal laga lagu baacsanayo Alshabaab oo laga sameeyay Wadada xariirisa Jowhar iyo Balcad

Howlgal laga lagu baacsanayo Alshabaab oo laga sameeyay Wadada xariirisa Jowhar iyo Balcad

daajis.com:- Howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ayaa Ciidanka guutada Saddexaad Qeybta 27aad waxaa ay ka sameeyeen Wadada xariirisa Magaaalda Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu yahay mid looga saarayo Al-Shabaab oo mararka qaar wadadaas ka fuliya qaraxyo miino iyo weersro ka dhan ah Ciidamada dowladda.

War kasoo baxay Taliska Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu shregay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro degaanada yar oo ay ku sugan yihiin si looga hortago inay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka go’ay inay maraan Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle kadib markii dhowr jeer wadadaas lagu dilay, Xildhibaano, Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada