Rooble: Waxaa naga go'an in doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay

Rooble: Waxaa naga go'an in doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay

daajis.com:- Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay heshiiskii dhammeystirka doorashada ee kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxa uu Rooblee sheegay, inay ka go'an tahay dhammaan dhinacyada heshiiskan wada gaaray 'inay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay'.

"Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku dhaqmeyso "siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed."

Rooble ayaa sidoo kale golaha wasiiradda u sheegay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.


War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada