Khilaafka Puntland: Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn u dhaliilay Cumar Cabdirashiid

Khilaafka Puntland: Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn u dhaliilay Cumar Cabdirashiid

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu khilaafay bayaankii ay xalay ka soo saareen arrinta Boosaaso.

Faroole ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid uu la ogaa hawsha ay wadeen, balse uu si lama filaan ah uga baxay garabkooda markii ay soo saareen bayaanka.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yidhi “Waxaan caddaynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin….” ayuu ka sheegay goob uu uga hadlayay arrimaha Boosaaso.

Bayaankaas uu sheegay in aan lagala tashan ayaa waxay ergadaa siyaasiyiinta ahi ku sheegeen in qododbadii talo soo jeedinta ahaa ee isimadu soo saareen aanay khusaynin ergadoodaas talona aanay ku lahayn, oo sidii ay ku ballameen, waa sida loo dhigaye, aan markii hore lala wadaagin ee ay qoraalkaa ku arkeen baraha bulshada oo aanu ahayn mid wax u taraya xasiloonida aiyo wadajirka Puntland.

Qodobada muranka dhaliyay ee ay soo saareen isimada

Isimadii u fadhiyey xallinta khilaafkii keenay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii bishii hore, ayaa habeen hore soo saaray qodobbo talo soo jeedin ah oo ay u direen xukuumadda Puntland.

Puntland

Qodobbadaas talo soo jeedinta ah oo ay isimadu qabaan in lagu xallin karo khilaafkii shaqaaqadaa keenay waxaa kamid ah, in hay’adda PSF ay sii ahaato sideedii hore isla markaana uu agaasime usii ahaado Sarreeyo Guuto Maxamed Cismaan Cabdullaahi.

Isimada waxay sidoo kale sheegeen in gogol dib u heshiisiineed ay u dhigayaan madaxweynaha Puntland iyo saraakiisha PSF si loo xalliyo khilaafka.


Go’aamada ay soo saareen isimada ayaa ka dambeeyay, kadib markii bishii lasoo dhaafay uu Boosaaso ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bishii November soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro, taas oo keentay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira dagaalkii Boosaaso:






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada