Howlgallo ka socda Boosaaso kadib qaraxyo ka dhacay

Howlgallo ka socda Boosaaso kadib qaraxyo ka dhacay

daajis.com:- Ciidamada Ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay ka wadaan Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib laba qarax oo xalay halkaasi ka dhacay.

Qaraxa Koowaad oo ahaa bamba gacmeed lagu tuuray iridda laga galo xarunta shirkadda Al-najax ee magaalada Boosaaso, taas oo aan weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa labaad ayaa isagana waxaa uu ahaa lagu tuuray iridda laga galo shirkadda Muwaafaq oo ku taalla bartamaha Boosaaso, halkaas oo ay ku sugnaayeen ilaalada Shirkadda, waxaana la xaqiijiyay in uusan geysan wax khasaaro ah.

Xalay ilaa saaka ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Bari waxaa ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxyada Bambaano ee lala beegsaday Shirkadaha Ganacsi, walow laamaha Amniga aysan weli sheegin dad loo qabtay weeraradaas.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana maalmihii la soo dhaafay siweyn loo askeeynayay Amniga Magaaladaas.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada