Sawirro Laga Soo qaaday Arrin cusub oo lagu arkay xeebta Liido iyo cabsi badan oo laga muujiyey

Sawirro Laga Soo qaaday Arrin cusub oo lagu arkay xeebta Liido iyo cabsi badan oo laga muujiyey

daajis.com:- Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka lagu arkay xumbo buuro ka sameysan oo biyaha badda ka dhashay.

Dadka halkaas ku sugan iyo kuwa meheradaha ganacsi ku leh ayaa sheegaya in xumbadan ay tahay wax ku cusub xeebta oo aan horey loogu arki jirin.

Qaar kale oo dadka ka mid ah ayaa sheegaya in xumbadan ay leedahay Cun-cun haddii qofka jirkiisa ay gaarto, taasoo dhalisay walaac badan iyo in dadku ay ka fogaadaan biyaha xeebta.

Sidoo kale, arrintan ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadkii maalin walba xeebta liido ku dabaalan jiray oo saaka ka baqay Badda markii ay arkeen xumbada tuban xeebta.


Weli lama sababta arrintan keentay inkastoo fasiraado kala duwan laga bixiyey, dadka qaar ayaa ku tilmaamay iney tahay mucjiso, halka qaar kalena ay sheegayaan iney xumbadan ka dhalatay sun iyo waxyaabo kiimiko ah oo ay badda ku daadiyeen maraakiibta shisheeye, iyadoo Heyadaha dowlada ee qaabilsan arrimaha badda aysan weli ka hadlin.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada