Sawirro: Rooble oo isbitalka ku booqday Macallimuu iyo xog ku saabsan xaaladiisa

Sawirro: Rooble oo isbitalka ku booqday Macallimuu iyo xog ku saabsan xaaladiisa

daajis.com:- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka ku booqday dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda, oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaaladiisa caafimaad ka xaal wareystay Afhayeenka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macalimuu oo xaaladiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad degdeg aha” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta daweyneysa Afhayeenka Xukuumadda,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Macalimu waxaa uu dhaawaca dartii ka jabay lugta, waxaa kale oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan iyada oo ay jirtay jug xoogan oo xabadka ah oo dhiig ku celisay, neefta ku adkeysay. 

Dhanka xabadka, dhiggii yaraa waa laga bixiyey, neef ahaanna uma baahna ventilator ee waxaa ku xiray hadda neefsiiye caadiga ah, dhiigga neefta na waa normal 98. Dhanka lugta waxaa uu mari doonaa qaliin, halkan gacanta aan la ogeyn iney u baahan doonto iyo in kale. 

Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho. Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaana isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa.


Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaal ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada