Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Macallimuu oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Macallimuu oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

daajis.com:- Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macallimuu ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii dalka Turkiga looga soo daaweyay dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday Muqdisho bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

Macalimuu ayaa lagu dhaawacay qarax ismiidaamin ah, oo 16-kii Janaayo ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho kadib markii gaarigiisa uu beegsaday qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo bahda saxaafadda ayaa maanta ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska ra’iisul wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale qaabilay Macallimuu, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii argagixisadu la beegsadeen, una rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.

Macallimuu oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa u mahad-celiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaatiirta isbitaalka Erdogan ee Muqdisho ee la tacaashay xaaladdiisa caafimaad markii qaraxa uu gaaray.


Macallimuu ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weli uu taagan yahay kursiga xildhibaan ee beeshiisa, taasina aysan waxba iska beddelin.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada