Ciidamo cusub oo ka socda Booliska Uganda oo soo gaaray Soomaaliya

Ciidamo cusub oo ka socda Booliska Uganda oo soo gaaray Soomaaliya

daajis.com:- Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay cutubyo cusub oo ka tirsan ciidankeeda booliska ee FPU, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afirca ee AMISOM.

Bayaan kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada cusub ee maanta kasoo degay magaalada Muqdisho gacan ka geysan doonaan horumarinta shaqada Booliska AMISOM, sare u qaadista sharciga iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya, waxaana Uganda ay ugu horreysaa dalalka ciidmada Booliska ah ugu deeqay howlgalka AMISOM, kuwaas oo sidoo kale ay ka mid yihiin waddamada Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Ghana iyo Zambia.

"Waxaan la shaqeyn doonnaa saaxiibada ka socda dalalka kale ee booliiska ee gacanta ka geysanaya soo celinta nabadgalyada iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka ah" ayuu yiri Daniel Okello oo ah taliye ku xigeenka guutadan cusub markii uu soo gaaray Muqdisho.


Ciidankan cusub ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan booliska AMISOM, waxaana sida lagu sheegay bayaankan ay marka hore dhammaysan doonaan karantiil laba toddobaad ah oo khasab ah si waafaqsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 ee ay dejisay wasaaradda caafiimaadka Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada