Al-Shabaab oo shaacisay go’aan ay ka gaartay ergada, xildhibaannada iyo dadka…

Al-Shabaab oo shaacisay go’aan ay ka gaartay ergada, xildhibaannada iyo dadka…

daajis.com:- Ninka Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la yiraahdo Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa shaaciyey qorshaha ay ka damacsan yihiin ergada sanadkaan soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ninkaan ayaa sheegay in qorshaha Al-Shabaab uu yahay in aragti lagu dilo qof kasta oo ergo noqday iyo xildhibaanada ay soo doorteen intaba, isagoo tilmaamay in mudo dheer ay dadka uga digayeen arrintaan.

“Xarakada waxaa ka go’an in qofkii ergo noqda uu taargad yahay, naftiisana ay noo banaan tahay, sababtoo ah waxay u codeeyeen in Kitaabka Ilaaahey la tuuro, oo waxay taageereen dastuur iyo dimoqraadiyad shisheeye wato, marka cidii arrintaas faraha la gasha anaga waa noo taargad,” ayuu yiri ninkaan u hadlay maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxuu ku celceliyey inay isku si u beegsan doonaan kan wax doortay iyo kan la doortay, “Marar badan ayaan dadka ugu baaqnay inay ka haraan howshaas, sidoo kale kuwa u ololeeya kuwa la doonayo waa taargadkeenna, meel kastana waan ku beegsa doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.


“Ma rabno dimoqraadiyad iyo qabiil, lixdankii ayey nagu soo bilaabatay dimoqraadiyadaan, marxalado badan ayaan soo marnay, marka xalka umadaan waxuu ku jiraa in Kitaabka Ilaahey lagu maamulo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Muuse Cabdi Carraale oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii ninkaan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay fahmaan waxa la isku heysto, oo sida uu sheegay ah Kitaabka halagu maamulo dalka oo iyagu ay qabaan iyo dowladda oo dooneysa inay dastuur ku maamusho dalka, sida uu hadalkiisa u dhigay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada