France iyo Midowga Yurub oo ciidamadooda kala baxaya Mali

France iyo Midowga Yurub oo ciidamadooda kala baxaya Mali

daajis.com:- Madaxweyna Emmanuel Macron ayaa ku dhowaaqay in France ay ciidamadeeda kala bixi doonto Mali, sagaal sano kadib markii ay faro-gelisay dalkaas si ay ula dagaalanto xagjiriin Islaami ah.

Hase yeeshee Macron ayaa sheegay in Paris ay sii joogteyn doonto joogitaankeeda militari ee dalalka Mali deriska la ah ee Galbeedka Afrika.

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Paris, Macron ayaa ku eedeeyey militariga xukuma Mali inay dayaceen dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Islaamiga ah, sidaas darteedna ay ciidamadooda la baxayaan, sababta oo ah buu yiri, kaalintooda ma ahan in dal madax-banaan ay ku beddelaan goobta dagaalka.

“Guul laga gaaro argagixisada suurta-gal ma ahan, haddii aanay taageereyn dowladda nafteeda,” ayuu yiri Macron.

France ayaa waxaa gobolka Sahel ka jooga 4,300 oo askari, oo ay ku jiraan 2,400 ku sugan Mali. Ciidamadan oo loogu yeero Barkhane ayaa sidoo kale ku sugan Chad, Niger, Burkina Faso iyo Mauritania.

Afhayeen u hadlay ciidamada France, Col. Pascal Ianni ayaa sheegay in France ay ugu dambeyn ciidamadeeda Sahel ku yareyn doonto 2,500 illaa 3,000.

Bishii August 2020, Mali waxaa ka dhacay afgambi uu xukunka kula wareegay Col. Assimi Goita. Sanadkii tegay, waxaa Mali sidoo kale ka dhacay afgambigii labaad ayada oo Goita uu kala diray dowladdii rayidka aheyd ee ka dhalatay afgambigii koowaad, mar kalena qabsaday xukunka.

“Kuma lug yeelan karno howlgal militari oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiinta ku-meel gaarka ah ee Mali oo aynan wadaagin xeelad iyo ujeedooyin,” ayuu yiri Macron.

Hoggaamiyayaasha Yurub ayaa sidoo kale maanta ku dhowaaqay in ciidamada militari ee Midowga Yurub ee loo yaqaan Takuba ay ka bixi doonaan Mali.

Xoogagga Takuba ayaa ka kooban dhowr boqol oo askari oo si gaar ah u tababaran oo ka socda in ka badan 10 dal oo Yurub ah, oo France ay ku jirto.

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada